1. Wuxuu furfuraa dhiiga: Baytaraafka wuxuu furfuraa djiiga wuxuuna dhiiga ka saaraa Xinjarowga si gaar ah wuxuu ugu sii fiican yahay dadka qaba Dhiigkarka, hadii ay si maalinle ah u isticmaalaan Bayturaafka uma baahna inay cunaan daawada dhiigkarka sababtoo ah Bayturaafka isagaaba ah dhiig dajiye dabiici ah
3. Wuxuu Baabiiyaa Daalka: Ma dareentaa daal marka Jamaaca samayso kadib? Baytaraafku wuxuu qofka ka ilaaliyaa daalka jamaaca kadib sidoo kale dadka sameeya Jimicsiga, Oradka iyo GYM-ka inay isticmaalaan waa muhiim sababtoo ah wuxuu daalka ka ilaaliyaa murqaha sidoo kale wuxuu adkeeya murqaha qofka isagoo xidididanka dhiigabka saara Wasaqda
4. Infakshanka: Dadka qaar waxaa jira mar kasta laga sheego Infakshanka dhiiga raaca taas oo sabab u ah cuntooyinka ay cunaan iyo qayb ka mid ah nolol maalmeedkooda oo wax badan qaldan. Si joogta ah ah u isticmaal Bayturaafka waxaa xaqiiq ah infakshanka dhiiga raaca ama infkashanka kaadida in aanan lagaa sheegi doonin xitaa dadka Xasuusyoodu Yartahey aad ayuu ugu fiican yahay.
2. Waxaa ku Jira Vitamin C : Hooyooyinka qaar waxay caruurta u diraan ama usoo gadaan kaniiniga Vitamin Cmadama caruurtu jecel yihiin cunista kaniiniga. Qatarta kaniinigan caruurta u leeyahay waxaa ka mid ah, in ilkaha caruurta iyo ciridka labadaba uu dabciyo, bololna ka dhigo. Sii caruurta Baytaraafka sababtoo ah waxaa ku jirta maadada Vitamin c oo muhiim u ah difaaca caruurta
5. Caloosha fadhida: Caloosha fadhida iyo in qofku dhigo Saxaro adag oo yaryar ah waxay ka mid tahay dhibaatada inta badan haysata bulshadeena. Baytaraafku wuxuu nadiifiyaa xiidmaaha iyo mindhicirada wuxuuna jilciyaa saxarada wuxuuna qofka ka dhigaa mid dhiga saxaro badan xamji ahaan wayn waliba aad u jilcan, hadii aad si joogta ah u isticmaasho Baytaraafka Baabasiir, calool fadhida iyo Jiirashada badan waad is macasalaamaynaysaan.

6. Sida loo isticmaalo Baytaraafka: Sida ugu fiican Baytraafka loo isticmaalo waa in qofku maalintii ka isticmaalo ugu badnaan Labo galaas waxyaabaha qofku arki karo marka Bayturaafka isticmaalo waxa aka mid ah Kaadida qofka inay isbedesho midab ahaan sababtoo ah Bataraafka waa maadada kaliya sunta jirka uga soo saarta wax ka yar 12 saac. Isticmaala Baytaraafka waa kuu muhiim hadii dhididkaagu yar yahay ama aad doonayso inaad wasaqda ka saarto jirkaaga
Qodobkee Dareenkaaga Soo Jiitay?
Dr Waahin Sabriye