Qaabka ugu fiican ay xaaska uur ku qaadi karto.
Xiliga ugu fiican ay gabadhu uur qaadi karto waa maalinta 7aad marka gabadhu caadada ka qubaysato kadib.
Tusaale gabadhu waxay caadada ka qubaysatay maalin jimco ah waxay uur qaadista u bilaabanaysaa jimcaha xiga. Kadib waxaad haysataa 10 maalin oo jaanis ah oo gabadhu uur ku qaadi karto. Tobankaas maalin waa in aad ku dadaashaa sida aad ku badin lahaydeen jamaaca iyo kulankiina.
Fiiro gaar ah: waa in aysan gabadhu marka jamaaca dhamaado kadib aysan horey ka istaagin, lugahana aysan fidin, waa inay mudo 30 daqiiqo ah jiiftaa ayada oo luguhu laabaysa si biyaha aysan usoo daadan, lugaha kor ayaa loo laabayaa dhanka caloosha, hadii aad daasho ayaga oo luguhu laaban yihiin ayay gabadhu bidix ama midig dhanka ay rabto isku geddin kartaa
Waxaa kale oo lagula taliyaa ragga, jamaaca marka ay samaynayaan in xubinta ay geeyaan meel fog geeyaan si biyaha meel fog u gaaraan, taasi waxay keenaysaa in biyaha meeshii loogu talagalay gaaraan oo aysan meel soke ka soo noqon, gabadhuna si fudud ku qaado uurka.
Cunista daawooyinka waa inaa iska ilaalisaa inta aad uurka raadinayso, hadaa xanuun baabiye u baahato paracetamol 500mg oo kaliya ayaa qaadan kartaa, hadaa qalajiye u baahatana amoxicillin 500mg oo kaliya ayaa qaadan kartaa, Hadaa gaas u baahatana omeprazole 20mg oo kaliya ayaa qaadan kartaa.
Hubinta in cuduro aysan jirin labada lamaane iyadana waa muhiim. Alle ayaa ubadka bixiyo
Dr Waahin Sabriye