Sinjibiishu waa Geed-ubaxeed uu asalkiisu ka soo jeedo Koonfur Bari Aasiya, Waxay ka tirsan tahay qoyska Zingiberaceae, Sinjibiisha sidoo kale waxaa loo tixgeliyaa geed dawo ah.Caalamka sinjibiisha waxaa laga heli karaa noocyo kala duwan sida sinjibiil ceeriin ama qaydhin, sinjibiisha qalalan, sinjibiil budo ah, saliid sinjibiil, oleoresin, nacnac sinjibiil iwm , qalajinta, iyo xaaladaha kaydinta, Mararka qaarkood waxaa lagu daraa cuntooyinka la warshadeeyay iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.
Isticmaalka daawaynta ee Sinjibiishu waxa ay caan ahayd qarniyo badan, qaarkood waxay yiraahdeen ugu yaraan 2000 sano, Sinjibiishu waxay asal ahaan ka soo jeedaan Aasiya, laakiin aad ayaa looga isticmaala Hindiya, Bariga Dhexe, Afrika, Kariibiyaanka iyo sidoo kale meelo kale oo adduunka ah.
Macluumaadka nafaqo ee shan xabbadood (11 garaam) oo sinjibiil ahi ka kooban tahay.
• Calories: 9
• Fat: 0g
• Sodium: 1.4mg
• Carbohydrates: 2g
• Fiber: 0.2g
• Sugar: 0.2g
• Protein: 0.2g
• Magnesium: 4.7mg
• Potassium: 45.6mg
Faa’idooyinka caafimaad ee sinjibiisha
1: Waxay kordhisaa wareegga dhiigga waxayna ka hortagta falaadhaha qorraxda.
2; Waxay kordhisaa firfircoonida waxayna xoojisaa difaaca.
3: Sinjibiishu waxay daweyn kartaa noocyo badan oo lallabbo, gaar ahaan xanuunka ( morning sicknesses)
4). Waxay ka caawisaa rabitaanka cuntada waxayna wanaajisaa dheefshiidka.
5). Waxa ay caawisaa calool-xanuunka iyo shubanka waxa ayna jidhka ka saartaa sunta.
6). Sinjibiishu waxay si wayn u yaraynaysaa xanuunka caadada
7). Sinjibiishu waxa laga yaabaa inay caawiso dib u dhigista gabowga iyo la dagaalanka cudurada daba dheera ee la xidhiidha da’da
8). Sinjibiishu waxa laga yaabaa inay si weyn hoos ugu dhigto sonkorta dhiigga oo ay wanaajiso khatarta cudurrada wadnaha.
9). Sinjibiishu Waxaa laga yaabaa inay hoos u dhigto khatarta kansarka.
10). Sinjibiishu Waxay kaa caawin kartaa inaad lumiso miisaanka.
11). Sinjibiishu Waxay yaraysaa murqo xanuunka ..
والعلم عند الله.
W/Q: Abdirashid Mohamed Kaahin Dr-Dalab