Faa’idooyinka Dabacasaha (carota)

Karootada waa khudaar xididleh isla markaana waxa la rumeysan yahay in asalkiisu uu ka soo jeedo dalka Afgaanistaan ​​ku dhawaad ​​900 AD. Orange waa midabkooda ugu caansan ee karootu leedahay, laakiin sidoo kale waxay ku yimaadaan midabyo kale, oo ay ku jiraan guduud, jaalle, casaan, iyo caddaan.

Karootada hore waxay ahaayeen guduud ama jaalle. Karootada Orange waxay kaso Jeeda Bartamaha Yurub qiyaastii qarnigii 15aad ama 16aad waana khudaar nafaqo badan leh.

Karootada ayaa si gaar ah ugu wanaagsan indhaha oo laga helo beta-carotene, fiber, vitamin K1, potassium, iyo antioxidants .

Waxay kaloo leeyihiin tiro faa’idooyin caafimaad ah, Waa cunto saaxiibtinimo u ah dhimista miisaanka oo lala xiriiriyay hoos u dhigidda heerarka kolestaroolka iyo hagaajinta caafimaadka indhaha. Waxaa intaa dheer, antioxidants-ka carotene ayaa lala xiriiriyay in ay hoos u dhigaan khatarta kansarka.

Karootada waxaa leedahay midabyo badan, oo ay ku jiraan jaalle, caddaan, oranji, casaan, iyo guduud. Karootada Orange waxay midabkooda dhalaalaya ka helaan beta-carotene, oo ah antioxidant-ka jirkaaga u beddela fitamiin A.

Xaqiiqooyinka nafaqo ee Biyaha ku jira karootada waxay u dhexeeyaan 86-95%, qaybta la cuni karo waxay ka kooban tahay 10% karbohaydraytyo.

Karootada waxaa ku jira dufan iyo borotiin aad u yar. Xaqiiqooyinka nafaqo ee laba dabacasaha ceeriin ah oo waxaku jira (100 garaam) waa:

Calories: 41
Biyaha: 88%
Protein: 0.9 garaam
Karbohaydrayt: 9.6 garaam
Sonkor: 4.7 garaam
Fiber: 2.8 garaam
Fat (Dufan): 0.2 garaam

Faa’idoyinka karootada

1). Waxay kor u qaadi kartaa caafimaadka wadnaha: Potassium-ka iyo antioxidants-ka ee ku jira casiirka karootada ayaa laga yaabaa inay gacan ka geystaan ​​hoos u dhigista cadaadiska dhiigga waxayna yareeyaan khatarta cudurada wadnaha.

2). Waxay kor u qaadi kartaa difaaca: Sida isha qani ah ee fiitamiinada A, B6, iyo C, casiirka karootada ayaa kaa caawin kara xoojinta habka difaaca jirka.

3). Waxay wanaajisaa caafimaadka indhaha: Casiirka dabacasuhu waa il aad u wanaagsan oo laga helo carotenoids, oo ay ku jiraan beta carotene, lutein, iyo zeaxanthin, kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka indhaha, lagana yaabo inay ka difaacaan AMD.

4) Xasaasiyada: Sida laga soo xigtay hal daraasad, karootada waxay keeni kartaa dareen-celinta xasaasiyadda ilaa 25% dadka xasaasiyadda cuntada leh.

5). Waxay kaa caawin karaan calool-istaaga: Haddii ay dhibaato kaa haysato inaad aado musqusha, isku day inaad cuntid qaar ka mid ah dabacasaha ceeriin. Iyada oo ay ku jiraan maadada fiber-ka badan, waxay kaa caawin karaan fududaynta calool-istaagga

6). Waxay kaa caawin karaan xakamaynta cudurka macaanka: Dadka qaba xanuunka macaanka waxa lagula taliyaa inay isticmaalan karootada. Fiberka ku jira dabacasaha ayaa kaa caawin kara in la xakameeyo heerka sonkorta dhiigga. Waxayna ka buuxa fiitamiin A iyo beta-carotene, kuwaas oo ay jiraan cadaymo muujinaya inay hoos u dhigi karaan halista sonkorowga.

7) Kaarotadu Waxay xoojiyaan lafahaaga: Karootada ayaa leh kaalshiyam iyo fitamiin K, labaduba waxay muhiim u yihiin caafimaadka lafaha.

8). Kaarotadu Waxay u fiicantay Cadaadiska dhiiga: wadnaha iyo xididdada dhiigga
Ururka Wadnaha ee Maraykanka (AHA) waxay dadka ku dhiirigelisaa inay cunaan soodhiyam yar iyo cuntooyin badan oo ay ku jirto potassium, sida dabacasaha. Potassium-ta waxay caawisaa in ay dejiyaan xididdada dhiigga, yaraynta khatarta dhiig karka iyo arrimaha kale ee wadnaha.

W/Q: Abdirashid Mohamed Kaahin Dr-Dalab

Check Also

Faa’iidayinka Caafimad ee Sinjibiisha (Ginger)

Sinjibiishu waa Geed-ubaxeed uu asalkiisu ka soo jeedo Koonfur Bari Aasiya, Waxay ka tirsan tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *