Faa’idooyinka tufaaxa

Maxaad ka Ogtahay Faa’iidooyinka caafimaad ee Tufaaxa(Apple)?
——————————————————————
Afka Soomaaliga waxaa looyiqaan Tufaax, luuqada ingriisidana waxa loogu yeedha (Apple), halka luuqada carabidana loogu yeedho(تفاحة). Bahda cilmiga Saynisku waxay u yiqaanaan “Malus domestica” Asal ahaan geedkani wuxuu kasoo jeeddaa Kazakhstan, oo ku taal badhtamaha Aasiya bariga badda Caspian. Wuxuuna ka tirsanyay qoyska “Rosaceae”

Tufaaxu waxa uu ka koobanyahay
Fitamiino (vitamins) Macdano (minerals) Porotiino (proteins) Nafaqo (nutrients) Fitamiinada uu ka samaysanyahay waxaa ka mid ah Vitamin c, vitamin k, vitamin Bcomplex Macdantana waxaa ka mid ah Potassium, copper, manganese, magnesium Sidoo kale tufaaxo waa cuntada qolofta leh ee dheefshiidka u wanaagsan.
Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in cunista tufaaxa ay la xiriirto hoos u dhac 18% ah ee halista nooca 2aad ee sonkorowga.

Hal tufaax ah 7-wiqiyadood (200-gram) ayaa bixiya nafaqooyinka soo socda.
✔ Calories: 104
✔ Karbohaydrayt: 28 garaam
✔ Fiber: 5 garaam
✔ Vitamin C: 10% ee (DV)
✔ Copper: 6% ee DV
✔ Potassium: 5% ee DV
✔ Vitamin K: 4% DV

Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Tufaaxa.

1). Tufaaxa waxaa ka buuxa fitamiino kala duwan iyo Folate, sidaas darteed waa il tamareed oo aad u fiican.
2). Khatarta hooseeysa ee asaasaqa. Daraasadaha qaar ayaa muujiyay in cabitaanka tufaaxa uu hoos u dhigo khatarta waallida ee dadka da’da ah.
3). Horumarinta aragga iyo caafimaadka indhaha, tufaaxa waxaa ku jira fitamiin A, kaas oo u roon indhahaaga.
4). Tufaaxu wuxuu caawiyaa inuu ka nadiifiyo beerka iyo kelyaha sunta waxyeelada leh.
5). Wuxu Kordhiya dabeecadda togan iyo farxadda
6). Tufaaxu wuxu kaa caawin kara inaad miisaanka iska ridid.
7). Tufaaxu wuxu fududeeya shaqada beerka, kelyaha iyo kaadi haysta.
8). Tufaaxu wuxu burburiya dhagaxaanta xameetida.
9). Tufaaxu wuxu aad ugu fiican yahay dadka caba sigaarka, hadaad sigaaryo cab tahay cunida tufaaxa joogte.
10). Afka ayuu caafimaad u leeyahay
Waxa uu nadiifiyaa ciridka iyo afka, waxa uu fududeeyaa in afka lagu soo daayo dheecaanka afka ee lagu yaryareeyo cuntada inta aysan caloosha u gudbin, si bacteriyada afka loo laayo.
والعلم عند الله.

Qore: Abdirashid Mohamed Kaahin Dr-Dalab

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *