Cudurka Qaaxada: Astaamaha Xanuunka Qaaxada iyo noocyada qaaxada

Qaaxadu (TB) waa cudur halis ah oo qof kasta ku dhici kara. Waxaa keena bakteeriyada tiibayda, oo hawadu qaadi karto marka qof tiibay sambabada qaba uu hadlo, qufaco ama hindhiso. Sidoo kale Qaaxadu waa cudur la kala qaado oo ay sababto bakteeriyada qaaxadu ee loo yaqaanno (Mycobacterium
tuberclosis). Nooca qaaxada ee ugu badan waa nooca sambabka ku dhaca (waana 70% ee xaaladaha cudurkaas). Noocyada kale sida qaaxada qanjidhka iyo ta lafaha lama kala qaado.

Qaaxadu waa cudur halis isla markaana la daweyn karo isla markaana uu qofku qaadanaayo daawooyin badan in mudo ah. Daawooyinka ugu caansan ama lagu daaweeyo cudurka qaaxada waxaa ka mid ah.

• rifampicin

• isoniazid

• pyrazinamide

• ethambutol iyo

• streptomycin

TB firfircoon

Haddii aad qabtid TB firfircoon, waxaad dareemi doontaa jirro sii kordheysa oo waxaad u gudbin kartaa tiibayda dadka kale. Calaamadaha caanka ah waxaa ka mid ah qufac, qandho, dhidid habeenkii, miisaan lumis, cunto xumo iyo daal.
Qaaxada firfircoon waxa lagu daawayn karaa antibiyootik.

Qaaxada qarsoon:

Haddii aad qabtid TB qarsoon, ma yeelan doontid calaamado, mana u gudbin kartid tiibayda dadka kale. Tani waa sababta oo ah bakteeriyada tiibaydu waxay ‘huruddaa’ jidhkaaga, oo uu ilaalinayo habka difaacaaga. Si kastaba ha ahaatee, bakteeriyadu waxa laga yaabaa inay ‘kacdo’ wakhti kasta, taas oo kugu keeni karta jirro. Qaaxaada huruda (qarsoon) macnaheedu waa in noloshaada mar un ay bakteeriyada qaaxadu jidhkaaga gashay oo ay kugu ridday cudurkaas. Marxaladdan ruuxu ma jirrana
cudurkaasna ma uu qabo. Dadka cudurkaas uu ku dhacay (ilaa 90%) waligood cudurkaasi ma soo rito.

Yaa khatar ku jira?

Dadka khatarta ku jira waa kuwa usoo dhawaada ruux qaaxada sambabka qaba oo gudbin kara (haddii ay saacado badan hal qol kula jiraan)

Talo:

Waxaa wanaagsan qofka qaba xanuunka Qaaxada inaanu dhex galin dadka bulshada iyo qoyskiisaba ilaa iyo inta uu qaadanaayo daawada. Hadii aad isku aragto astaamaha cudurkan fadlan goob caafimaad deg deg ugaadh.

Check Also

faa’iidoyinka caafimaad ee cinabka (grapes)

Cinabka waxaa loogu yeeraa “boqoradda miraha” sababtoo ah waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *