Cananiska waa geed leh miro macaan oo la cuni karo. Canannaaska ayaa asal ahaan ka soo jeeda Koonfurta Ameerika, halkaas oo lagu beeray qarniyo hore. Cananisku Wuxuu ka tirsanyay qoyska Bromeliaceae.
Cananisku Waa geed leh midho waaweyn oo qolof adag leg kaas oo ka baxa deegaanada cimilada diiran leh inta u dhaxeysa 20°c ila 35°c, Dherer ahaan wuxu gadha 1 ila 1.5 meters, Cananisku wuxu ka mid yahay geedaha ugu dhaqashada badan caalamka ee loo beerto hab ganacsi, kaas oo ka baxa meelo badan oo caalamka ah.
Guud ahaan, midhaha cananniska waxaa lagu cuni karaa isagoo qayriin ah, la shiiday ama la ridqey.
Cananisku wuxuu ka koobanyahey, bromelain (enzyme), borotiino, karbohaydraytyo, fiitamiinno, A, C, B5, B6, beta-carotene, thiamin, folate; Sidoo kale macdano sida potassium, copper, manganese, calcium, sodium, magnesium.
Daraasado badan ayaa soo jeediyay in isticmaalka cuntooyinka dhirta sida cananiska ay hoos u dhigto khatarta buurnaanta, guud ahaan dhimashada, sonkorowga, iyo cudurrada wadnaha.
Hal koob (165 garaam) oo cananis ah ayaa ka kooban nafaqooyinkan soo socda :
Calories: 83
Fat: 1.7 grams
Protein: 1 gram
Carbs: 21.6 grams
Fiber: 2.3 grams
Vitamin C: 88% of the Daily Value (DV)
Magnesium: 109%
Vitamin B6: 11%
Copper: 20%
Thiamine: 11%
Folate: 7%
Potassium: 4%
Magnesium: 5%
Niacin: 5%
Pantothenic acid: 7%
Riboflavin: 4%
Iron: 3% of the DV
Faa’idooyinka Caafimad Ee Cananiska
1: Caawinta dheefshiidka: Cananniska waxa ku jira enzyme loo yaqaan bromelain oo gacan ka geysta burburinta borotiinka iyo hagaajinta dheefshiidka.
2: Waxa laga yaabaa inu caawiyo dhimista miisaanka, wuxu leeyahay Calories aad u yar iyo fitamiino iyo macdano badan.
3: Wuxu Xoojiyaa Lafaha: Canannisku waxa uu qani ku yahay macdanta manganese-ka taas oo caawisa xoojinta lafahaaga.
4: Wuxuu ka hortagaa kansarka.
5:Wuxu u roon yahaycaafimadka Ilkaha, sababto Wuxu ka kooban yahay macdanta calcium.
6: Wuxu yareeyaa halista xinjirowga dhiigga. Bromelain oo ah maaddada ugu weyn ee canannisku kaboon yahay ayaa hoos u dhigta khatarta xinjirowga dhiiggaaga.
7: Waxa ku jira Antioxidants. Cananniska ayaa qani ku ah nafaqooyinka iyo antioxidants kuwaas oo awood u leh inay ka hortagaan cudurrada uu jidhkaagu u nugul yahay.
8: Tamarta Dabiiciga ah: Cananniska waxa ku jira valine iyo leucine oo ah laba shay oo aad muhiim ugu ah korriinka iyo hagaajinta unugyada muruqyada.
9: Wuxuu u fiican yahay caafimaadkaaga guud si la mid ah, wuxu sidoo kale u fiican yahay maqaarkaaga iyo timahaaga.
10: Wuxuu ka caawiyaa ka soo kabashada qaliinka Sidoo kale, bromelain-ka ku jira cananiska ayaa sidoo kale loo arkay inuu waxtar u leeyahay jirka marka uu ka soo kabanayo faragelinta qaliinka.
W/Q: Abdirashid Mohamed Kahin (Dr-Dalab)