Waxa Afka soomaaliga lagu dhahaa moringe, waxa Afka english-ka lagu dhahaa (Moringa) waxaa Afka carabiga lagu dhahaa (المو
Moringaha waxa loogu yeedhaa geedka mucjisada, waa geed kumanaan sano loo soo isticmaali jiray siyaabo kala duwan, sida cunno ahaan iyo daawo ahaanba.
Geedka Moringuhu waa geed asalkiisu ka soo jeedo dhulka hindiya waxayna u isticmaali jireen wakhti dheer in ay ku daaweeyaan xanuuno badan, laakiin wuxuu kaloo ka baxaa Aasiya, Afrika, iyo Koonfurta Ameerika. Moringaha waxaa ku jira borotiinno, fiitamiinno, iyo macdanno kala duwan.
Waxa geedkan mudo dheer loo isticmaalayay in lagu daweeyo xanuuno ka badan 300 xanuun.
Nafaqooyinka ku jira Geedka Moringaha.
Vitamin A
Vitamin BI(thiamine)
Vitamin C
Zink
Magnesium
Calcium
Potassium
Phosphorus.
Faa’idooyinka caafimaad ee moringaha
1: Wuxuu si dabiici ah ula dagaallamaa xanuunka kalagoysyada wuxuna hagaajiyaa caafimaadka lafaha.
2: Wuxuu hoos u dhiga heerka sonkorta dhiga.
3: Wuxu Caawiya hoos u dhigista kolestrolka.
4: Wuxuu faa’iidoyin caafimad oo fara badan u leeyahay maqaarka iyo timaha
5: Wuxuu Nidaamiya cadaadiska dhiga
6: Wuxuu kordhiya tamarta jidhka, adkaysiga Iyo firfircoonida.
7: Wuxu yareeya laalaabyada wajiga.
8: Wuxuu kor u qaada habdhiska difaaca jidhka.
9). Wuxuu jirka ka ilaaliyaa sunta loo yaqaano “Arsenic”: suntaan oo siyaabo kala duwan qofka u soo gaari karta.
10: Wuxuu Caawiya hoos u dhigista miisaanka Iyo bararka jidhka.
Fiiro gaar ah:
waxa uu leeyahay waxyeellooyin yar oo la yaqaan. Dadka daawo qaadanayaa waa in ay la tashadaan takhtar ka hor inta aysan isticmaalin geedkan. Hadii aad leedahay macaan, dhiikar, iyo subagow kala tasho dhakhtarkaga inta aanad isticmaalin geedka.
والعلم عند الله.
W/Q: Abdirashiid Mohamed kaahin Dr-Dalab