Helitaanka hurdo ku filan-iyo nooca saxda ah ee hurdada-waxay muhiim u tahay caafimaadka wanaagsan. qadarka hurdadu waxay si weyn u wanaajin kartaa ama caqabad ku noqon kartaa tayada noloshaada siyaabo kala duwan.
Qadarka hurdada ee qofku u baahan yahay maalin kasta waxay ku kala duwan tahay da’da, sida uu qabo National Sleep Foundation .
• Dhallaanka (4-11 bilood) waxay u baahan yihiin 12-15 saacadood
• Caruurta jirta (1-2 sano) waxay u baahan yihiin 11-14 saacadood
• Caruurta jirta (3-5 sano) waxay u baahan yihiin 10-13 saacadood
• Ciyaalka jira (6-13 sano) waxay u baahan yihiin 9-11 saacadood
• Dadka jira (14-17 sano) waxay u baahan yihiin 8-10 saacadood
• Dadka (18-64 sano jira) waxay u baahan yihiin 7-9 saacadood
• Dadka xilliyada kala duwan shaqeeya ee hurdada yar aalaaba way xanuunsadaan

Dadka xilliyada kala duwan shaqeeya waxaa la sheegaa inay u nugul yihiin cudurro kala duwan. Cilmi baadhayaasha waxay ogaadeen in dadkan ay halis ugu jiraan cudurrada macaanka iyo cayilka.
Farqi wayn ayaa u dhexeeya dadka sida caadiga ah u shaqeeya iyo kuwa ay is bedbedesho shaqadooda.
WAXYAALAHA HURDADA CARQALADEEYA
Shaaha, kafeega, Qamrada, Welwelka iyo qaadka ayaa ah waxyaalaha ugu waawayn ee dadka ka hor-istaaga inay hurdo ku filan seexdaan. sidoo kale, waxaa jira noocyo daawooyin ah oo bukaanka marka loo qoro ku keena hurdo la’aan.
