Liin macaanta

Maxaad ka ogtahay Faa’iidoyinka Caafimaad Ee Liin-macaanta (Orange)?

Waxa Afka-Soomaaliga lagu dhahaa Liin-macaan, waxa luuqadda ingiriisida lagu dhahaa (Orange) waxa luuqadda Carabida lagu dhahaa (برتقال)

Liinta waxay leedahay taariikh aad u xiiso badan, Qaybtii ugu horreysay ee liin-macaan ah ayaa lagu beeray koonfurta Shiinaha, koonfur-bari Aasiya iyo waqooyiga bari ee Hindiya,waxayna hadda ka baxada meelo badan oo aduunka ka mid ah sida Maraykanka, Mexico, Africa iyo Isbayn taas oo ka baxda deegaanada cimilada diiran leh.

Liin macaantu waxaa la og yahay inay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo dhowr ah waana mid ka mid ah midhaha ugu caansan adduunka.
Ameerika waxa lagu beeray geed liin macaan ah markii ugu horreysay 1513.

Liin macaanta waxa ku jira fiitamiino, sida fitamiin C. macaadin, iyo antioxidants. Daraasaduhu waxay muujinayaan in isticmaalka joogtada ah ee liinta ay faa’iido u leedahay caafimaadkaaga siyaabo dhowr ah.

Nafaqooyinka ayka koobantay liin macaantu.


▪️ 60 kaloori
▪️ Malaha liintu dufan ama sodium
▪️3 garaam oo fiber ah
▪️ 12 garaam oo sonkor ah
▪️ 1 garaam oo borotiin ah
▪️ 14 micrograms oo fiitamiin A
▪️ 70 milligram oo fiitamiin C
▪️237 milligaraam oo potassium ah.
▪️15.4 garaam oo karbohaydrayt ah

Faa’iidoyinka Caafimad Ee Liin Macaanta.

1). Waxay ka caawisaa ka hortaggida kansarka Liin-macaantu waxay qani ku yihiin limonoids, oo la caddeeyey inay gacan ka geysato la dagaallanka noocyo badan oo kansar ah oo ay ku jiraan kansarka maqaarka, sambabada, naasaha, caloosha iyo mindhicirka.
2). Waxay ka hortagtaa cudurada kelyaha Cabbitaanka casiirka liinta waxay ka hortagtaa cudurrada kelyaha waxayna yaraynaysaa halista dhagxaanta kelyaha.
3). Waxay yarayaysaa halista kansarka beerka Sida laga soo xigtay laba cilmi-baarisood oo Japan lagu sameeyay cunista liinta waxay yaraynaysaa kansarka beerka.
4). Waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka Maadaama ay ka buuxaan fiber milan leh, liinta ayaa waxtar u leh hoos u dhigista kolestaroolka.
5). Waxay xoojisaa caafimaadka wadnaha Liinta waxaa ka buuxa potassium, macdanta elektrolytka ayaa mas’uul ka ah caawinta wadnaha si fiican u shaqeeyo.
6). Ladagaalanka Caabuqa Fayraska Daraasaduhu waxay muujinayaan in tirada badan ee polyphenols ee ku jirta liinta ay jidhka ka ilaaliso caabuqyada fayraska.
7). Waxay ka caawisaa abuurista aragti wanaagsan Liintu waxa uu qani ku yahay isku-dhisyada carotenoid-ka oo loo beddelo fiitamiin A oo ka caawiya ka-hortagga cillada arag beelka.
8). Waxay ilaalisaa maqaarka Liinta waxaa ka buuxa beta-carotene waa antioxidant awood leh oo ka ilaalisa unugyada inay dhaawacmaan.
9). Liintu waxay leedahay fiber mila iyo mid aan milmin labadaba, Tani waxay kaa caawinaysaa xubnaha dheefshiidka iyo caloosha inay si sax ah u shaqeeyaan, iyagoo ka hortagaya cilladdaha mindhicirka, Intaa waxaa dheer, fiberku wuxuu caawiyaa calool-istaagga iyo dhibaatooyinka kale ee dheefshiidka.
10). Waxay Dawo u tahay buuq-baxa ama shubanka.

Fiiro gaar ah:
Hadii ay jiraan daawooyin uu dhakhtar ku qoray oo aad qadanayso inta aanad cunin liin macaanta kala tasho dhakhtarkaga oo ku dheh daawadan malala qadan kara liin macaanta, mise way isdiidayaan oo waan iska daaya liinta.
Waxaa jira daawooyin fara badan oo hadii cuntooyinka qaar lala qaato aanay daawadasi sidii saxda ahyd u shaqayn doonin.
Waxa jira daawooyin iyo cuntooyin is diida oo aan laysla qaadan karin..

والعلم عند الله.

W/Q: Abdirashiid Mohamed kaahin Dr-Dalab.

Check Also

Faa’idooyinka caafimaad ee biyaha qumbaha (coconut water).

Biyaha qumbaha, oo ah dareere saafi ah oo laga helo gudaha qumbaha. Biyaha qumbaha waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *