Waxtarka Xulbada

Maxaad ka og tahay Faa’iidooyinka Caafimaad ee Xulbadda(Fenugreek)
—————————————————————
Waxa Afka-soomaaliga lagu dhahaa Xulbadd, waxa luuqadda ingiriisida lagu dhahaa (Fenugreek) magaceeda sayniseed waxa la dhaha (Trigonella foenum-graecum) waxaa luuqadda Carabida lagu dhaha(نبات الحلبة)

Xulbaddu waa xubin ka mid ah qoyska Fabaceae botanical waxayna isku faamli yihiin digirta, lawska, Iyo biinaska.

Xulbaddu waxay asal ahaan kaso jeeda Koonfur-Bari Yurub iyo Galbeedka Aasiya, hadda waxa lagu beeraa waddamo badan sida India, Argentin, Masar iyo wadamada Mediterraneanka (Koonfurta France, Morocco iyo Lubnaan).

Xulbaddu waa geed dhererkiisu uu gaaro (60-90 cm). Wuxu leeyahay caleemo cagaaran, ubaxyo cadcad oo yaryar, iyo caws ay ku jiraan iniin yaryar oo dahabi-bunni ah.

Xulbaddu waa geed muddo dheer loo isticmaali jiray dawo ahaa. Waa shay caadi ka ah cuntooyinka Hindida waxaana inta badan loo qaataa kab ahaan(supplement). Xulbada ayaa leh faa’iidooyin caafimaad oo fara badan.

Xulbadu waa mid ka mid ah dhirta ugu da’da weyn ee daawo ahaan loo isticmaalo, wadamada ugu badan ee u isticmaalana waxa ka mida Hindida iyo Shiinaha.

Xaqiiqooyinka nafaqo ee Hal qaado oo xulbadd ahi ka kooban tahay (11.1 garaam) 35 kalori iyo nafaqooyin dhowr ah

✔ Fiber: 3 grams ✔ Protein: 3 grams
✔ Carbs: 6 grams ✔ Fat: 1 gram
✔ Iron: 20% of the Daily Value (DV)
✔ Manganese: 7% of the DV
✔ Magnesium: 5% of the DV

FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE Xulbadda.

1). Waxa la og yahay in Xulbaddu ay ka caawin karto raga kordhinta testosteronta iyo kordhinta tirada shahwada.
2). Waxay caawisaa maaraynta miisaanka
3). Xulbaddu waxay wanaajisaa dheefshiidka waxayna ka hortagtaa xanuunada caloosha.
4). Xulbadu Waxalaga hela faa’iidooyin caafimaad oo aad u weyn, kaliya waxaad u baahan tahay inaad u isticmaasho habka saxda ah
5). Xulbaddu waxay yaraysa xanuunka caadada.
6). Xulbadu Waxay hoos u dhigtaa heerka kolestaroolka ee jidhka.
7). Xulbaddu waxay dadka u furta aamateedka.
8). Xulbadu waxay kor u qaada hab-dhiska difaaca jidhka.
9). Xulbaddu waxay hoos udhigta macaanka Iyo dhiikarka.
10). Xulbaddu waxay ka Hortagta Kansarka.

Fiiro gaar ah.
Waxa jira dadka qaar markay isticmaalan Xulbadda ku yeesha xasaasiyad/cun-cun dadka xalkoodu waxa Weeye in ay Iska joojiyaan isticmaalkeda.
Dadka qaata daawoyinka xinjireeya dhiiga (Anticoagulant) waa in ay dhakhtar kala tashtaan inta aanay isticmaalin Xulbadda, waayo xulbadu waxay keenta in ay yarayso shaqada daawoyinka dhiiga xinjireeya.

والعلم عند الله.

Qore: Abdirashiid Mohamed kaahin Dr-Dalab.

Check Also

Faa’idooyinka caafimaad ee biyaha qumbaha (coconut water).

Biyaha qumbaha, oo ah dareere saafi ah oo laga helo gudaha qumbaha. Biyaha qumbaha waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *